Naaska waxaa uu faa’ido u leyahay canuga marka uu dhasho ilaa iyo inta uu ka koraayo in la nuujiyo gabadha intaysan dhalin ka hor waxaa la sheegaa naaskeeda inuu yahay mid wareegsan oo kordha marba marka kadanbayso ama buurta naaasuhuna waxa ay ka koobanyihiin xidid caanood badan waxayna ka yimaadaan fooda naska.
Hadaba hooyadu marka ay dhasho hadii la nuugin oo ay naasuhu ku xerman waxaa imaan kara cuduro fara badan, Naas nuujinta waa in ilmaha naaska la nuujiyaaa iyadoo qaadan doono waqti 2sano ah waxaana la sheegaa marka lanuujinaayo ilmaha naasaha inay balaartaan, si kastaba ha ahaatee hooyadu waxa waajib ku ah inay nuujiso ilmaheeda 2sano taasoo ay faa’ido ugu jirto iyada ilmaheeda waxana daliil ah ALLAH waxa uu leeyahay( ……NUUJIYA ILMAHIINA 2SANO OO DHAMAYSTIRAN ILAA NUUJINTA AY NOQONAYSO MID TAAM AH HADII AY UDHAMATO 2DAAS SANO KADIB DANBI MALAHAN).
Faaidada ay u leedahay hooyada:
- Uma baahna diyaarin
- Dhaqaale ahaan, waa cuntada aduunka ugu raqiisan
-Waa cunto waqti walba diyaar ah, habeen, maalin iyo meel walba aad joogtid
- Waxay saacidaa minka unuu xirmo oo dhiiga istaago markii haweenka ay dhalaan
- Xiriirka hooyada iyo cunuga ayuu siyaadiyaa (Emotional satisfaction)
- Wuxuu yareeyaa cancerka ku dhaca naasaha haweenka
- Wuxuu dheereeyaa, ilmahaaga waqtiga u kala dhaxeeya (birth spacing) taasoo ka qeyb qaadata (Family plannig)
Faaidada ay u leedahay cunuga:
Waa cunto dabiici ah oo isku dheeli Tiran, lagana heli karo wax kasto oo nafaqo ah oo uu u baahanyahay cunugaaga.
Waxaa ku jira lactose badan kaasoo keena "Glactolipids + Fatty acids" kuwaasoo ka qeyb qaata koriinka maskaxda, diraaso cusub oo la sameeyay waxa ay sheegtay ilmaha la nuujiyay ay ka maskax sareeyaan ilmaha aan la nuujin.
Waxaa kaloo caanaha hooyada ku jira "Cholesterol" kaasoo ka qeyb qaata xuubid saarida neerfaha iyo ka hortaga inuu dhiiga fadhiisto xidida.
Proteinka ku jira caanaha hooyada waa brotiinada ugu sahlan ee caloosha ay shiido karto.
Phosphate-ka ku yar caanaha hooyada waxay ka hortagtaa inuu calciumka yaraado, kaasoo aad ugu muhiimsan ilmaha.
Waqti walbo diyaar, waa cuntada mar walbaa u baahato aad heli karto Waa fresh mar walbo uma baahno in lagu daaro wax xifdiya.
Heer kulkiisa waa heer sare, mana qaboobo mana kululo
Caloosha wax dhib ah uma keenaan, si sahlan ayaa lagu shiidaa, si sahlane xiidmaha waa looga dhuuqaa taaso ku saacida cunuga inuu safiican u hurdo safiicane u koro. Caadada ayey siyaadisaa, Cunuga hooyadiis kama fogaanayo, iyadaa koriinkiisa ku dadaaleyso. Caanaha hooyada infection-ka way ka hortagaan noocyadiisa kala duwan, Caanaha hooyada waxaa ka buuxa waxii ka hortagi lahaa "Inflammations" sida Vitamin C iyo E.
Caanaha hooyada waxaa ku jira wixii ka hortagi lahaa xasaasiyad inuu qaado cunugaaga "anti-allergic", taasi oo yareyneyso cudurada qaar sida, neefta, sanboorka, iyo cuncunka maqaarka ku dhaca kuwaasoo laga keeno caanaha xoolaha. Caanaha hooyada waxaa ku jira antibody IgA kaaso albaabada ka xira proteino qalaad in laga dhuuqo xiidmaha, kuwaasoo qatar ku noqon kara ilmaha yaryar. Ilmaha hooyadood naas nuujisay, waxay ka badbaadaan cudurka lafaha qaloociya ee "Rickets", maxaa yeelay caanaha hooyada waxaa ku badan Vitamin D iyo Calcium/Phospate isku dheeli tiran, Caanaha hooyada waxay ka hortagaan in ilmaha ay ku dhacdo dhiig yari.
Caanaha hooyada waxaa ku jira bir 2 jeer ka badan inta caanah lo'da ku jirta
Caanaha hooyada waxaa ku jira waxyaabo u kaalmeeya ama saacida in birta si sahlan looga nuuqo xiidmaha
Birta ku jirta caanaha hooyada saxarada ma soo raacdo caksiga kan lo'da
Ilmaha la nuujiyay ilkahooda way ka koriin fiican yihiin ilmaha aan la naas nuujin Caanaha hooyada looga baqi maayo, inay uraan amaba sumoobaan oo ilaahay meel xafidan galiyay
Ugu danbeentii hooyadu markay dhasho waxa diyaar garooba nuujinta ilmaha 2hormone oo kala ah ostregen&progestron kuwaasoo iyaga masuul ka ah diyaaarinta caanaha naaska 24ka saac ugu horeesana waana dambar ama danbar waxaa loo yaqaanaa CLOSTRUM
Exclusive breast feeding: waa naasnuujinta socoto 6da bil ugu horaysa ee canuga, waxana lasiiinaaa caanaha naaska hooyada oo kaliya
Supplementery feeding: waa naasnuujinta 6 ilaa 12bilood waa caanaha naaska hooyada, biyaha iyo waxyaabaha yaryar ee nafaqada leh
Hadaba hooyadu marka ay dhasho hadii la nuugin oo ay naasuhu ku xerman waxaa imaan kara cuduro fara badan oo ka midyihiin:
1- waa caaabuqa ku dhaca qanjirada caanaha(mastitis)
2- kansarka naaska (breast cancer)
W/Q: Dr Abdullahi Suleiman Hassan




